Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay xaaladda dowladda Soomaaliya iyo go;aanada Baarlamaanka Federaalka oo aan waxba la dhaqan gelin, isagoo si cad u sheegay inaysan dalka ka jirin wax dowlad lagu sheegi karo.
“Baarlamaanka go’aano ayuu soo saaraa, ma jirto cid fulisa, dowlad dalkani kama jirto waa inaan qoryaha qaadanaa” ayuu yiri xildhibaan Goodax oo maanta ka hadlay fadhigii Baarlamaanka, waxayna doodiisu ka danbeysay markii xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta dood ka yeesheen dhul balaarsiga ay dowladda Kenya ka wado Xuduudka Gobolka Gedo.
XIldhibaan C/llaahi Goodax Barre wuxuu ku eedeeyay dowladda hadda dalka inay dalka ka dhigtay beylah, wuxuuna tusaale ahaan u soo qaatay inaan marna la dhaqan gelin qaraarada Baarlamaanka, nabadgelyadii oo xumaatay iyo dalkii oo la boobayo iyadoo aan waxba qabaneynin.
Goobjooge.com