Monday, July 14, 2025

XILDHIBAAN GOODAX: “Wasiir Maareeye laba dacwad ayaan ku soo oogeynaa, waana in tallaabo laga qaado…”

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, horena u ahaa Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Somalia ayaa sheegay in wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) uu ku kacay marin habaabin shacabka iyo aflagaado uu u geystay odayaasha dhaqanka Beesha Hiiraan.

C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wax uu ku kacay Wasiir Maareeye ay yihiin wax ku xun dhaqanka dowladnimada iyo anshaxa suuban, wuxuuna si cad u sheegay inaan looga hari doonin wixii uu sameeyay.

“Haddii aysan xukuumadda tallaabo cad kasoo saarin waxay noqoneysaa fowdo inay abuurto iyo in dariiqa la iska raadsado” ayuu yiri C/llaahi Goodax oo sheegay in Ra’iisal wasaaraha ay ka sugayaan tallaabo cad inuu ka qaado arrintan. Wuxuuna intaas ku daray inay laba kiis oo dacwad ah ka furi doonaan Wasiir Maareeye mid laga furayo Baarlamaanka oo guddiga Anshaxa ay geyn doonaan iyo mid kale oo Makamadda Madaniga ah ay gaarsiin doonaan si loogu soo oogo aflagaado uu kula kacay dad sharaf leh.

HOOS KA DAAWO XILDHIBAAN GOODAX

DHAGEYSO: HADALKII KASOO YEERAY WASIIR MAAREEYE & AFLAGAADII ODAYAASHA HIIRAAN

AKHRI: WAREEGTADA WASIIR MAAREEYE EE SOCDAALKIISII BELEDWEYNE

DHAGEYSO: DACAR XERSI: WASIIR MAAREEYE WAXAAN U HEYSAA SHABAAB

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON