Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey in magaalo ka tirsan Gobolka Bakool oo gudaha ugu jirta Sooomaaliya ilaa 20 KM ay Itoobiya la wareegtay.
Ex xildhibaan Maxamed Iidle Geedi ayaa sheegay inuu tegay dhowaan Gobolka Bakool, isagoo indhihiisa ku soo arkay magaalada Caato ee Gobolka Bakool oo dhul Soomaaliyeed ah in laba loo qeybiyay oo hadda laga dhigay Caato-Itoobiya iyo Caato-Somalia, halkaasina ay ka taliyaan ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo uu suran yahay calanka Itoobiya, maamul Itoobiyaan ahna uu ka taliyo.
Wuxuu intaas ku daray in Aato ay qaadatay Itoobiya , iyadoo ka dhisatay Saldhig Booliis, MCH “Xarun Caafimaad” Iskuulo Dowladda Leedahay, iyo Xarumo kale. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in magaaladaasi ay ku nool Muwaadiniin badan oo Itoobiyaan ah Soomaalidana ay marti ku tahay magaalada.
Ex xildhibaan Iidle wuxuu wax laga naxo ku tilmaamay inaysan jirin cid ka hadleysa dhulka Soomaaliyeed ee xuduudka ku yaalla oo dowlaha deriska ay la wareegeen, iyadoo dowladii Federaalka Soomaaliya ay dhaafi la’dahay Magaalada Muqdisho.