Sunday, August 3, 2025

Xildhibaan Jeesow: “Axmed Madoobe iyo inta gacan-saarka la leh waa lasoo xirayaa..”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in la soo xirayo Axmed Madoobe iyo inta la socota.

“Jubbaland xalkeeda dowladda Federaalka ayaa gacanta ku heysa, waa la qabanaa, Axmed Madoobe-na waa la soo xirayaa; inta gacan-saarka la lehna waa lasoo xirayaa..” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo sheegay in marka hore xadka la soo xirayo, kadibna ay talo farihiisa ay ka bixi doonto.

Xildhibaan Jeesow oo Wareysi siiyay Warbaahinta Shabeelle, kana mida siyaasiyiinta sida weyn u dhaliila Axmed Madoobe ayaa difaacay khudbadii uu Wakiilka Midowga Afrika u jeediyey Q/Mdoobay ee ku saabsaneyd inay Nairobi ku heshiyeen siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Ogaadeen, wuxuuna is weydiiyey: C/rashiid Xiddig ma Gaaljecel baa..?.

Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe aanu wax badan gacanta ugu jirin Jubbaland mar dhowna ay dowladda Federaalka soo xiri doonto, sida uu hadalka u dhigay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON