Friday, June 27, 2025

Xildhibaan Jeesow: “Gole Wasiiro iyo Madaxweyne xil kama qaadi karaan Hanti-dhowraha..”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hor yimid xil ka qaadista ay Golaha wasiirad iyo madaxweynaha ku sameeyeen Hanti dhowraha guud Nuur Faarax Jimcaale.

Isagoo ka hadlay Warbaahinta Muqdisho ayuu sheegay in Hanti dhowrka Qaranka xilka looga qaadi karo marka Baarlamaanku u codeeyo, isla markaana aanay sharci u lahayn xukuumadda iyo Madaxtooyada.

Wuxuu sheegay inay tallaabo khaldan ahayd sidii Golaha wasiiradda u dhigeen xil ka qaadista Hanti dhawrka Qaranka Soomaaliya, isla markaana madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha aysan sharci u lahayn xil ka qaadistiisa.

“Runta haddaaan idiin sheego hanti-dhowraha waa shaqsigii la xisaabtamayey xukuumadda, iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda, marka qof kula xisaabtamayo xil maba ka qaadi kartid, Baarlamaanka ayaa xilka ka qaadi karo dastuur ahaan.” ayuu ku dooday  xildhibaan Daahir Amiin jeesow.

Waa xildhibaankii labaad ee ka hor yimaada xil ka qaadista hanti-dhowrka oo ilaaladiisa ay dileen wasiirkii howlaha guud Cabbaas C/llaahi Siraaji, waxaana hore mowqifkiisa u caddeeyay Xildhibaan Mahad Salaad.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON