Tuesday, June 24, 2025

Xildhibaan ka badbaaday Qarax Gurigiisa loo dhigay

Wararka laga helayo Magaalada Cadaado  ayaa sheegayaan in xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug uu ka badbaaday Qarax la dhigay gurigiisa.

Qaraxan ayaa ahaa Miinada dhulka lagu aaso taasoo la dhigay guriga Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Maxamuud gudiga uu ka degan yahay xaafadda Waaberi ee magaalada Cadaado afkiisa hore.

Dadka degaanka ayaa u sheegay xildhibaanada miinada loo dhiga, kadibna ciidamada ayaa lag wargeliyay oo goobta tegay, iyagoo halkaasi ka qaaday miinadii markii ay furfureen.

Xildhibaan C/llaahi Cumar Maxamuud (Gurey Geesey) ayaan la ogeyn cidda miinada u dhigtay, waxaase la tuhunsan yahay kooxda Alshabaab.

Ciidamada NISA ee Galmudug ayaa baaritaan ka bilaabay kiiskan, iyadoo ay markii ugu horeysay ee weerar noocan oo kale ah la soo maleego.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON