Dr. Cali Xaaji waxaa laga faafiyay Muuqaal isagoo ku sugan degaannada Alshabaab, una mahad celiyay (Wareysi)
Mid ka mida Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka 11-aad oo shalay la dhaariyey ayaa beeniyey muuqaal laga baahiyey isagoo ku sugan degaanada Alshabaab oo amaanaya Xarakada.
Xildhibaan Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar ayaa lagu soo doortay magaalada Baladweyne, waxaana dhowaan soo baxay muuqaal laga duubay isaga oo ku sugan deegaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan halkaas oo ay Alshabaab ka taliyaan.
Wuxuu sheegay inay arrintani dhacday sanadkii 2014, isagoo hoggaamiyey koox macalimiin ah oo degaanka CeelCali ka furayey Iskuul degaanka laga dhisay, wuxuuna ku dooday inuu adeegsaday ereyga ‘WILAAYADA ISLAAMIGA’ isagoo u baqay naftiisa iyo dadka uu hoggaaminayey.
“Video-ga waxa uu ahaa 2014kii, xilli aniga oo dhaqtar iyo Barre Jaamacadeed ah oo ka shaqeeya Muqdisho aan aaday Deegaanka Ceel Cade oo waxa aan waday macalimiin Iskuul oo maadooyinka Seyniska dhiga waxaana geeyay Iskuulka Ceel Cali oo 2012kii aan u baddelnay Dugsi sare, Guddigii maamulayay Iskuulka ayaa ii xilsaaray in aan u hadlo, khudbaddii aan jeediyay oo dheereed ayaa laga soo jartay qaybta aan ka leeyahay “Wilaayada Islaamiga” haddii aan tegay meesha ay ka talinayaan oo madaxdoodii fadhiso waan ku qasbanaa in aan adeegsado Ereyga ay jecel yihiin” ayuu yiri Xildhibaan Dr. Cali Xaaji Aadan.
Dr. Cali Xaahi oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in muuqaalka la faafiyey looga dan lahaa in looga hor istaago Doorashada, balse wax saameyn ah aanu yeelan, inkastoo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Alshabaab.
