Thursday, June 26, 2025

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ku geeriyooday Magaalada Baydhaba

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya inuu halkaasi ku geeriyooday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Eng Maxamed Maxamuud Boonoow ayaa geeridiisa waxaa xaqiijiyey ehelkiisa iyo guddoonka Golaha Shacabka, waxaana la sheegay inuu muddooyinkan ku xanuunsanaa magaalada Baydhaba.

Xildhibaanka Maxamuud Boonow wuxuu ka mid ahaa xukuumadii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre isagoo ka ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda amniga gudaha xukuumaddii, wuxuuna xildhibaan soo ahaa ilaa sanadkii 2012, isagoo mar wasiir ka noqday dowladii KMG ahayd ee Shariif Sheekh Axmed. Wuxuu kaloo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano degaanada Koofur Galbeed.

Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ayaa Uga tacsiyadeeyay Dhammaan xildhibaanadda Golaha iyo Bulshada soomaaliyeed Geeridii Ku timid Marxuum Xildhibaan Eng Maxamed Maxamuud Boonoow oo magaaladda Baydhabo ku geeriyooday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON