Sunday, July 13, 2025

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka oo lagu dhaawacay Muqdisho

Mudane ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd lagu dhaawacay degmada Xamarweyne meel u dhow dhismaha Bacadlihii hore.

Xildhibaankan oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Gurxan ayaa la sheegay inay  rasaas ku fureen dabley hubeysan oo gaari wadatay, iyagoo baxsaday markii ay rasaasta ku asqeeyeen xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa wararku sheegayaan in xilliga la toogta  uu taagnaa agagaarka  Bacadlaha Xamarweyne, isla markaana ay dableyda meel u dhow istaageen oo rasaasta la dhaceen.

Sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/qaadir xildhibaanka waxaa gaaray dhaawac halis ah iyagoo loola cararay Isbitaal is gargaar degdeg ah loogu fidiyo. waxayna rasaasta ka haleeshay dhinac sare ee jirka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON