Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in Hub ay isku difaacaan la siiyo odayaasha dhaqanka ee soo xulay ergada dooratay Baarlamaanka Federaalka.
Xildhibanka ayaaa ku dooday in 135-ta Oday ee soo xulay ergadii soo dooratay Baarlamaanka ay noqdeen bartilmaameed ay beegsadaan kooxda Alshabaab oo qaar badan laga dilay, ayna ku jiraan cabsi iyo xaalad amaan oo joogto ah.
Prof. Dalxa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay hub sharci ah siiso odayaasha, wuxuuna soo qaatay in dowladii hore ay Bistoolado u qeybisay Odayaashaasi si ay isugu difaacaan, iyagoo mushaar ka qaadan jiray Wasaaradda arrimaha gudaha.
Dowladda Farmaajo ayuu xildhibaanka ku eedeeyay inaysan wax xil ah iska saarIn Odayaasha rasmiga ah ee soo dhisay dowladda Soomaaliya, wuxuuna uu sheegay in mooshin arrintaas ku saabsan ay u gudbinayaan Baarlamaanka.