Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya uu caawa ku geeriyooday Muqdisho.
Xildhibaan Khaliif Sheekh C/llaahi (Khaliif Duurey) ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina isagoo halkaasi loo dhigay xanuun hayey, waxaana lagu waday in qalliin lagu sameeyo, isagoo caawa fiidkii uu ku geeriyooday isbitaalka.
Wararka ayaa sheegaya xildhibaanka in Galabta la geeyay Isbitaalka Medina, isagoo xanuunsanaa maalmihii ugu danbeeyay, taasoo keentay in la dhigo isbitaalka, xildhibaanka ayaa ka soo jeeday degaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Madax kala duwan ayaa tacsi u diray xildhibaanka geeriyooday iyo ehaladiisa, waxaana uu ka mid ahaa xildhibaannada ugu afka gaaban Baarlamaanka Soomaaliya.