Saturday, June 28, 2025

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Xildhibaan C/llaahi Xuseen Maxamud ayaa ku dhintay rasaas lagu furay iyo qaraxyo lala beegsaday gaari uu saarnaa oo oo marayay jidka korontada ee Degmada Wadajir, magaalada Muqdisho ee taga Xalane.

Xildhibaanka ayaa maanta ka qeyb galay shirkii Baarlamaanka, kadibna markii uu ka soo baxay oo uu ku soo jeeday gurigiisa weerarkan qorsheysan lala beegsaday. Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay dilka xildhibaan C/llaahi Xuseen Baantuu.

CabdullahiB
Xildhibaan Cabdullahi Xuseen Maxamuud (Baantuu) Allaha u naxariisto

Xildhibaanka ayaa aabihii ka bedelay xilka waxaana aabihii Xuseen Baantuu uu ahaa siyaasi caan ah oo ka mid ahaa ururadii siyaasadeed ee Koonfurta Soomaaliya. Xildhibaanka geeriyooday ayaa muddo kooban ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Laba ka mida ilaaladiisa ayaa waxyeelo ka soo gaartay qaraxa iyadoo midkood uu dhintay, dad kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON