Tuesday, July 1, 2025

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu dilay Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa maanta dil toogasho ah Muqdisho ugu geysatay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland oo lagu magacaabo  xildhibaanpuntlandAadan Xaaji Xuseen. Mudanaha dilka qorsheysan lagu fuliyay ayaa la sheegay inuu maalmahan ku suganaa magaalada Muqdisho oo arrimo u gaara oo caafimaad u yimid.

Koox hubeysan oo wadatay gaari ayaa rasaas ku furay xildhibaanka Baarlamaanka Puntland, xilli uu marayay agagaarka Xaafada Taleex ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho. Dableyda aya la sheegay inay baxsadeen kadib markii ay falka dilka ah geysteen.

Dilalka mas’uuliyiinta dowladda iyo shaqsiyaadka caadiga ah ayaa Muqdisho ka dhaca, laakiin waxaa markii ugu horeysay ee ee Muqdisho  fal dil ah loogu geysto xildhibaan ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Hay’adaha ammaanka dowladda Federaalka ee magaalada Muqdisho ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin dilka.

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-6″]

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON