Tuesday, June 24, 2025

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo Dadka Muqdisho ugu baaqay kacdoon ka dhan ah Jidadka Xiran

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadka Muqdisho ugu baaqay inay kacdoon sameeyaan oo ay iska hor wareejiyaan dhagxaanta lagu xiray wadooyinka Muqdisho ee dowladda Soomaaliya ku xayirtay isu socodkii dadka iyo gaadiidka caasimadda.

Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare oo ka mida xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda ayaa qoral uu soo dhigay baraha bulshada baaq diray dadka Muqdisho, isagoo yiri: “Shacabka Muqdisho Waxaa haysata dhibaato badan mid Amni, Canshuur iyaga ku gaara waxaa loogu sii daray inay isu socon waayaan hadaan si degdeg ah aan wax looga qaban waxay tageysaa inay iska hor wareejiyaan dhagxaanta lagu horgeeyey ee beenta ah..”

Xidhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in Ganacsatada Muqdisho ay qasaaraan lacag Malaayiin doolar ah, sidaasoo ay tahayna iyaga kaliya ay bixiyaan Canshuurta dowladda iyagoon jidadka u furayn oo dadkii wax ka iibsan lahaana laga xiray isu socodkii.

Xildhibaanada ku kacsan dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa xilligan qaab siyaasadeed u adeegsanaya arrinta amniga ee wadooyinka xiran ee Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON