Sunday, March 26, 2023

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Waxaa xalay xilli dambe magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Seeyseey.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun muddooyinkii ugu danbeeyay ku dhacay, waxaana geeridiisa ka hadlay guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Seeyseey.

Ad

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday magaalada Muqdisho,” ayuu lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiye Sheekh Aadan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!