Sunday, June 22, 2025

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Somaliya oo geeriyooday

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegeen ehelkiisa iyo guddoonka Baarlamaanka.

Cabdiraxmaan Maxamed Cumar (Jubba) oo kamid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday Magaalada Nairobi oo muddooyinkan danbe uu ku xanuunsanaa.

Geerida Xildhibaanka waxaa tacsi u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka. “Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Ad

Sidoo kale Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa qoyska xildhibaanka iyo shacabka Somaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida xildhibaanka.

“Waxaan dhammaan Ehelka iyo ummadda Soomaaliyeedba la wadaagayaa xanuunka geeriyda Marxuumka, Waxaana Eebbe Weyne u waydiinayaa in uu ku arsaaqo Janatul-Firdowsa, dadka Soomaaliyeed, Qoyskiisana iyo Baarlamaanka Jamhuuriyaddana Rabbi Samir iyo Iimaan haka siiyo”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON