Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kashifay sababtii keentay inuu is casilo taliyihii ciidamada xoogga dalka Jen. Cirfiid.
Senator Axmed Xaashi Maxamuud ayaa sheegay in taliyihii iidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Jenernaal Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) uu isu casilay amar diiddo ay ku sameeyeen Ciidamada Imaaraadka tababaray Imaaraadka ee saldhigoodu yahay Magaalada Muqdisho
“Taliyuhu wuxuu sheegay in Ciidamada Imaaraadka tababartay ee ku sugan Muqdisho aysan ahayn Ciidan ka tirsano hoos yimaada taliska Milatariga Soomaaliya, laakiin ay yihiin Ciidamo toos u hoostaga dalka Imaaraadka Carabta oo dalkaasi amarkiisa ku socda..” ayuu yiri xildhibaanka sheegay in ciidamadaasi ay markii hore qoreen xildhibaanno iyo mas’uuliyiin.

Wuxuu is weydiiyay in ciidamadan uu Imaaraadku doonayo inuu dalka ku qabsado iyo inkale..? isagoo dood ka keenay sida ciidamo aan ka mid ahayn kuwa dowladda uga howlgalayaan Somaaliya, wuxuuna warkan ka jeediyay fadhigii aqalka sare ee Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee Amniga xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa hore u sheegay inaysan ciidamada Imaaraadka Carabta tababarray aanay ka amar qaadan dowladda Federaalka, waxaana ay isku dhaceen ciidamada NISA bilowgii dowladda Farmaano.
HOOS KA AKHRISO
Imaaraadka Carabta: Ciidamo miyay noo tababarrayaan mise iyagaa tababarranaya…? (FAALLO)