Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay kulanka Baarlamaanka su’aalaha ku weydiinayaan Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa si weyn u cambaareysay Taliyaha ciidamada Nabadsugidda Qaranka C/raxmaan Tuuryare iyadoo sheegay inuu diiday imaanshaha Golaha, soona raaci waayay Wasiirkii uu hoos tegayay ee Amniga Gudaha.
“Maanta waxba kaama rabo mudane Ra’iisal wasaare, Laakiin taliyaha Nabadsugidda oo wasiirkiisii Golaha Baarlamaanka keeni waayay, waxaan kaa rabaa shirkan marka uu dhammaado mooshinkiisa ayaan gudbineynaa ee waa inaad soo dirtaa Golaha” ayay yiri Khadiija Maxamed Diiriye oo ku eedeysay Taliyaha NISA inuu idaacadaha la hadlo balse baarlamaanka iskala weyn yahay.
“Maalin taliyaha NISA keligiis ah ayaan rabaa” ayay tiri Khadiija Maxamed Diiiriye oo ka hadleysay kulanka xiran ee u socda baarlamaanka goor dhoweyd, iyadoo taliyaha Nabadsugidda oo la socda Ra’iisal wasaaraha loo duur xulayo haddalada xildhibaanada careysan.
Waxaa weli socda su’aalo weydiinta Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ay wehliyaan wasiiro iyo saraakiisha amniga dalka. Waxaana su;aalaha inta badan ka jawaabay Ra’iisal wasaaraha iyadoo taliyaha NISA C/raxmaan Tuuryare uu ka jawaabayo su’aalaha qaarkood.
Goobjooge.com