Sunday, June 22, 2025

Xildhibaan la socday Kolonyadii Xasan Sheekh oo shaaciyey inuu ka badbaaday isku day Dil

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in rasaastii lagu furay Kolonyadii uu la socday madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ay ahay isku day dil lagu khaarijin lahaa.

Xildhibaan oo hore u soo noqday Wasiirkii Amniga ayaa sheegay inay isaga iyo Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe la socdeen Madaxweynihii hore, arrintaasina ahayd daandaansi aan la aqabali karin.

“Ra’iisal wasare Rooble waa inuu baaritaan ku sameeya isku dayga Dil ee ka dhanka ahaa madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamud. Waxay arrintan dhacday daqiiqado ka hor. Aniga taliyihii hore Sanbalolshe ayaan la soconay Madaxweynaha..” ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamuud.

Ad

Xildhibaan ayaa sidoo kale wareysi uu bixiyey ku sheegay in rasaasta lala beegsaday Gaariga ka mid ahaa kuwa uu Xasan Sheekh Maxamuud adeegsado oo gaari kale oo ku xigay uu saarnaa, haddii ujeedku yahay is-rasaaseyn ay noqon lahayd mid dhex marta ciidamada, balse si toos ah loo beegsaday Gaariga, isagoo ku eedeeyay inay rasaasta bilaabeen ciidamada Asluubta ee barta ku sugnaa, ayna u yeerteen ciidamo milateri oo xoojin ah.

Wuxuu sheegay inay tallaabadaasi ahayd daandaansi aan la aqbali karin oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON