Friday, June 27, 2025

XIldhibaan Magan: “Waxaan ka hor tagnay qorshe Itoobiyaanka ku doonayay in dagaal ka dhaco Garbahaarey”

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Gedo ay faragelin weyn ku hayaan xaaladda  gobalka Gedo.

Isagoo ka hadlayay isbedel ka dhacay magaalada Garbahaarey iyo maamulkii uu magacaabay Axmed Madoobe ay la wareegeen xarumihii dowladda ee magaaladaasi ayaa in ciidamada Itoobiya ay ka dambeeyeen arrintaasi kadib markii ay kala qeybiyeen ciidamadii dowladda oo qaarkood ay la heshiiyeen.

“Ciidamada Itoobiyaanka markii ay arkeen inay  shacabka ka hor yimaadeen ayay xeelad kale la yimaadeen, waxay shiriyeen saraakiishii ciidamada xoogga dalka, waxay u sheegeen in ay dagaal ku qaadaan xarunta gobalka iyo sidoo kale goobaha uu deggan yahay maamulka Gedo, balse annaga waan la talinnay maamulka inaany dagaal dhicin, waxaan u sheegnay hadii ay yimaadaan in loo faarujiyo, sidaasi ayaana la sameeyay” ayuu yiri xildhibaan Magan oo waxa ka dhacay Garbahaarey dusha u saaray ciidamada Itoobiyaanka.

Dhinaca Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray xaaladii ka jirtay Garbahaarey oo si rasmi ah maamulkoodu ula wareegay xarumaha maamulka degmada oo laga taagay calanka Jubbaland sida uu sheegay ku xigeenkii hore ee Axmed Madoobe ninka lagu magacaabo C/llaahi Fartaag.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON