EEDEYN KULUL OO LOO JEEDINAYO XILDHIBAAN MAHAD MAXAMED SALAAD OO FARAGELIN KU HAYA MUSHARIXIINTA XILDHIBAANNADA BEELAHA KALE
Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad (Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada) uu dhibaato ku hayo sidii oo soo xuli lahaa Xidhibaanka Seddexaad ee beesha CAYR ee Degmada Dhuusamareeb.
Qaar ka mid ah Waxgaradka, Nabadoonada, Siyaasiyiinta iyo Musharaxiinta Beesha Cayr-Bari oo Cadaado jooga ayaa Mahad Maxamed Salaad ku eedeeyey in uu qas ka dhex wado sidii ay Jufooyinka leh Xildhibaankaasi ay u soo dooran lahaayeen.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo noqday xildhibaan ka mida Aqalka hoose loogu doortay magaalada Cadaado ayaa Odayaasha Dhaqanku waxay sheegeen in ay la yaaban yihiin sababta ilaa iyo hadda ku haysa Cadaado, waxayna ku eedaynayaan in uu lacago laaluush ah la dhex xulayo ergada Jufooyinka Cayr-Bari oo kala ah Cabsiye, Xasan Samadoorte iyo Yeber Dhowrekace.
Marka laga yimaado eedaynta ka imaanaysa waxgaradka, iyo odayaasha dhaqanka waxaa kaloo eedayn taasi la mid ah ka soo yeeraysaa Siyaasiyiinta iyo lix ka mid ah Murashixiinta u tartamaysa kursigaasi oo gaaraya sideed xubnood.
Odayaasha beelahan ayaa sheegay inay si fool ka fool ah Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad uga codsadeen inuu arrintani faraha kala baxo, waxayna intaasi ku dareen inuu dhegaha ka furaystay oo uu weli dhibaato muuqato ku hayo.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa waxay wararku sheegayaan inuu qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jufooyinka Cayr-Bari u ballan qaadayo jagooyin in uu ka siin doono dowlada dhexe ee federaalka haddii ay u ololeeyaan murashaxa uu rabo oo uu soo baxo.
“Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad Xurmo ayaan u hayaa, tan iyo markii la doortay waxaa uu carqalad ku hayaa ergada Jufooyinka walaalaha ah ee halka kursi ka dhexeeyo, waxaana ka codsanaynaa inuu arrimahaasi faraha kala baxo” sidaa waxaa yiri mid ka mid Musharixiinta kursigaasi u tartamaya oo diiday in magaciisa la xigto.
Waxaa uu raaciyay “Dadkani halka kursi ka dhexeeya waa dad walaalo ah oo aan sina u kala maarmin, waxaan mar kale waydiisanayaa Xildhibaanka inuu dhexdhexaad ka noqda go’aanka masiirka Jufooyinkaasi kursigaasi xildhibaanimo iska leh, mar haddii aan lagu fara galin xubinamdiisa waa inuusan carqaladayn arrin uusan shaqo ku lahayn”.