Tuesday, July 15, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad: “C/kariim Qalbidhagax 3 sano ayuu Muqdisho ku noolaa, Farmaajo 6 bilood ayuu ku bixiyay..”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaanada Federaalka ee sida weyn ugu kacsan ayaa sheegay in Sarkaalka ka tirsanaa ONLF ay Dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Itoobiya.

Xildhibaanka ayaa is weydiiyay in C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) uu dembi ka galay dadka iyo dalka Somaaliyeed?, wuxuuna sheegay inuu ninkaasu reer Muqdisho ahaa si nabadgelyo ahna ugu noolaa muddo 3 sano ah.

“Madaxweyne Farmaajo 6 bilood iyo 20 cisho ayuu ku dhiibay Abdikariim Qalbi Dhagax isaga oo aan u sababeyn Umadda Soomaaliyeed ee uu mas’uuliyada u haayo!..” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

AKHRISO QORAALKA XILDHIBAAN MAHAD SALAAD

ABDIKARIIM QALBI DHAGAX MA DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED AYUU DANBI KA GALAY?!
1. Abdikariim Qalbi Dhagax sadex sano ayuu reer Mogadishu ahaa si nabad gelyo ahna ku joogay.
2. Madaxweyne Farmaajo 6 bilood iyo 20 cisho ayuu ku dhiibay Abdikariim Qalbi Dhagax isaga oo aan u sababeyn Umadda Soomaaliyeed ee uu mas’uuliyada u haayo!
3. Majiro heshiis ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhigaya inla isweydaarsado dadka looga shakisanyahay inay danbiyo ka galeen labada dal midkood.
Sidaas daraadeedna Madaxweynuhu wuxuu danbi ka galay Dalka, Dadka Soomaaliyeed iyo Dastuurka Qaranka waana in lagula xisaabtamaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON