Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan hoggaanka dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay is barbar taagay oo difaacay Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Madaxdeena in dowlado shisheeye ku xadgudbaan waxay ka dhigantahay midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya oo meel looga dhacay!, Weerarka lagu hayo Madaxda Soomaaliya ee ka socda baraha bulshada (social media) ayna gadaal ka riixayso Dowlada Imaaraadka Carabta wuxu xadgudub labaad ku yahay madax-banaanida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya..” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo farriin soo dhigay bartiisa FB.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii xubno la sheegay inay Imaaraadku ka danbeeyo weerar baraha bulshada ah ku bilaabeen madaxweynaha Soomaaliya, kadib mowqifkii dowladda Soomaaliya ka istaagtay heshiiska ay Shirkadda DP World ee Imaaraadka kula wareegtay dekadda Berbera.
“Madaxweyne Farmaajo inkstoo siyaasad ahaan aan dhaliilsanahay hadana waa Madaxweynihii dalka, maqaam iyo hab-maamuus gaar ah ayuuna leeyahay, wuxuuna astaan u yahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya sida ku cad qodobka 87aad ee Dastuurka KMG ah, in si shaqsi ah dowlado shisheeye ugu xad gudbaana waxay ka dhigantahay sharafta, karaamada iyo madax-banaanida dalka oo meel looga dhacay. Mana aqbali karno in Dowlado shisheeye ay u gafaan madaxdeena iyaga oo ka tarjumaya dano liddi ku ah midnimada, madax-banaanida iyo dowladnimada Soomaaliya, waana inaan meel uga soo wada jeesanaa…” sidaas waxaa yiri Xildhibaan Mahad Salaad.