Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay Hanti dhowrihii guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale.
Xildhbaanka Mahad ayaa sheegay in xil ka qaadista golaha wasiirada ay tahay mid siyaasadeysan oo lagu degdegay, isla markaana aan sharci ahayn.
Xildhibaanka oo ay qaraabo yihiin hantidhowrka xilka laga qaaday, isla markaana saxiib la lah Ra’iisal wasaaraha ayaa baraha bulshada ku shaaciyay farriin uu garab istaagay hanti dhowraha xilka laga qaaday.
“Xilka qaadista Hantidhowrka Guud ee Qaranka waa go’aan siyaasadeysan oo lagu deg degay sharcigana baalmarsan!” ayuu farriintiisa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo hore u ahaa wasiiru dowlihii madaxtooyada ee dowladii Xasan Sheekh.
Goobjooge.com