Monday, July 14, 2025

Xildhibaan Qoone: “Waa las oo afjaray khilaafkii ka taagnaa Guddiga Farsamada Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Xildhibaan Maxamed Xasan oo ka mid ah mudanayaasha ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la soo af-jaray kala aragti duwaanshihii ka taagnaa dhismaha guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, isagoo aan faahfaahin ka bixin sida looga gudbay khilaafkaasi.

Xildhibaanka ayaa ku amaanay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dadaalka ay ku soo afjartay murankii ka dhashay dhismaha guddiga farsamada iyo sida ay dhexda ugu xiratay xalinta arrintaasi, isagoo soo dhaweeyay in madaxda Wasaaradda ay socodsiiso howshii uu qaban lahaa Guddigaasi.

Maxamed Xasan Qoono ayaa ku booriyay bulshada ka soo jeedda labada gobol in ay gacan ka geystaan dhismaha maamulka la doonayo in loo sameeyo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Xogta ay heleyso Goobjooge.com ayaa sheegaya in Guddigii Farsamada ee dhowaan ay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka koobnaa 14 xubnood meesha laga saaray iyadoo lagu bedelayo in arrinta farsamada ay la wareegto wasaaradda oo maamuli doonta shirka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON