Kulan albaabada loo xirtay oo su’aalo lagu weydiinayo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa ka socda xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana su’aalo aad u adag laga soo jeeciday oo ku saabsanaa Taliyaha Nabadsugidda oo xildhibaano badan ay ku kacsan yihiin.
Taliyaha Nabadsugidda C/raxmaan Tuuryare oo ka mida saraakiisha la socota Ra’iisal wasaaraha ayaa inta badan ku dhacayaan erayada kulul ee ka imaanaya Xildhibaanada, isagoo lagu heysto inuu horee u imaan waayay golaha, kana soo haray wasiirkiisii, kadibna la yimid Ra’iisal wasaaraha markii loo yeeray.
Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa su’aal iyo warbixin ay isku dartay ku sheegtay in Saldhigyada ciidamada Nabadsugidda lagu jirdilo maxaabiista, waxaana jira ayay tiri kala aarsi qabiil, waxayna taliyaha Nabadsugidda ku sheegtay nin aan aqoon u lahayn xilka loo dhiibay, sidaas darteedna waxay so jeedisay in xilka laga qaado.
Su’aalaha ayaa weli socda oo intooda badan ku wajahan Taliyaha Nabadsugidda oo loo marinayo Ra’iisal wasaaraha oo hore dhowr jeer uga baaqday markii loogu yeeray Baarlamaanka, waxaana xildhibaano dhowr ah u soo jeediyeen inuu xilka iska casilo mar haddii uu ku fashilmay hogaanka ciidamada ugu muhiimsan ammaanka dalka.
Goobjooge.com