Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baaralmaanka ayaa su’aal ka keenay mushaarka la siiyo ciidamada dalka.
Isagoo ka hadlayay Dood ka taagan Miisaaniyadda dowladda ayuu ku baaqay in la kordhiyo Mushaarka Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed haddii la doonayo in nabadgelyo lasoo celiyo.
“Mudnaanta koowaad waa amniga, haddana inagaa indhaha ka tuureyna, Ciidamada amniga ilaalinayay ayaan xaqireynaa, waa kuma qofka mushaar boqol Doolar $100) isaga iyo qoyskiisa ku noolaan karaan, shaqaalihii radyidka ahaana midka ugu yar wuxuu qaataa $400 ilaa $1000,..” ayuu yiri Xildhibaan Xiddig oo ku baaqay in mushaarka ciidamada wax laga bedelo.
DHAGEYSO