Thursday, March 28, 2024

Xildhibaan Zakariye Maxamud oo Baaq & Farriin dheer kasoo saaray Xaaladda ka taagan Baarlamaanka Somalia

Xildhibaab Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaq dheer oo xambaarsan farriimo kala duwan kasoo saaray xaaladda khilaafka ka taagan Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda sare ee dalka.

Farriinta Xildhibaan Zakariye oo sheegay inuu labada dhinac dhexdhexaad ka yahay ayaa ah mid aad u dheer oo arrimo badan ka hadleysa isgoo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, kana digay sida xaaladu ku socoto in lagu daawado.

HOOS KA AKHRISO FARRIINTA

Ad

Ku: Shacabka Soomaaliyeed Baaq

Asalaamu Calaykum, Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed Qaybihiisa kala duwan waan idin salaamay Salaan Ka dib Shalay Oo ay Taariikhdu Ahayd 4 April 2018″ arintii Ka dhacday Qasriga Gollaha Shacbiga waxa ay ahayd Arin Fool xun Oo aan Quruxbadnayn,

1:In Saraakiil Ka tirsan Amisom, ay gudaha Usoo galaan Baarlamaanka in Ciidamo, Khal khal abuura Dalkana amni xumo U horseedi karay dadna layn karay ay Meesha ku sugnaayeen Si kasta hakusoo galaane in Sawiro iyo Muuqaalo Foolxun, Saxaafada Loo gudbiyay Beesha Caalamkana ay Gaartay Is qab qabsiga Madaxdeena Waxaasoo dhami Waa dhacdo Fool xun Oo inagu dhacday waxaana Horseeday Khilaafka ka dhextaagan Madaxda sar’sare Ee Dalkan ”

- Advertisement -

Oo macagagnimo iyo mindi mindi ku taag adeegsanaya Aniga iyo Team aan ku jiro Oo kamadax banaan Labada Garab Ee is’haya waxaan diyaar Unahay inaan ku da’daalno sidii Xal waara Loo gaari lahaa khilaafkan Oo Laga yaabo Inuuu dhib wayn dhaliyo Ama Ugu yaraan Uu Sharf Xumo Noo horseedo Waxaan Madaxda Ka codsanaynaa In Dalka iyo Dadka Loo turo hadii anagu aan is xalin’wayno Shisheeye in uu naxaliyaa iman doonta taasoo ka turjumi Doonta inaan anagu nahay Dad khayrul Masuuliyiin Oo Waxmagarataa aanan iskood isku Hogaamin Karin In la hogaamiyo Mooyee,

Shaki Kuma jiro In Dawlada haatan talada haysa ay waxbadan Qabatay Rajadii Umadana ay Qayba muhiiima Soo Celisay Hadii ay sii shaqayso Oo jaaniskeeda lasiiyana Ay waxbadan Qabandoonto”

Dhanka Kale Shaki Kuma jiro In Gadoomiye Proff Jawaari Uu waxbadan Qabtay Nin Dawlado Badan Ilaa kacaankii Lasoo shaqeeyayna Uu yahay Markii Dawlada Farmaajo La dooranayay ninkii talada Dalka Gacanta ku hayay asaga ayuu ahaa Si habsami lehna wuu Ushaqaynayay Hadaba arinta Madaxda kamaqan maxay tahay,

WAA TAN.

- Advertisement -

Sida aan Wada Ogsoonahay Umad waliba Oo dunidan Ku Nool Muslim iyo Gaalo Isla markaasna Wada shaqaysa Mar un ayeey isqabanayaan Ama Isqabtaan Masuuliyiin ha ahaadaan Amase Dad Shacab ha ahaadaane hadii ay umadi isqabato waxa larabaa Xal iyo Xaajo Ee looma baahna in lays maquuniyo Oo qofwalba Taagtiisa iyo Tabartiisa isticmaalo Dowlada iyo Xukuumada Madaxwayne Mohamed Abdullhi iyo Xassan Cali Khayre iyo Gudoonka Shacab Mohamed Cismaan Jawaari Waxaa laga Rabaa Ama laga Sugayaa dib uhishiisiin iyo Maslaxd ay umada Soomaaliyeed Haarihii iyo Dhibaatooyinkii Soo Kala gaaray iyo dagaaladii Sokeeye Oo dadbadani Ku dhinteen ineey Xal uhelaan sidii turxan Bixin iyo Hishiis walaalnimo is aaminaad iyo Kalsooni ay ubeeri lahaayeen baa laga sugayaa

Hadaba adinkii Noolaa Oo Muqdisho Wada Joogay hadaad Xal Uheli waysaan waxyaabaha Dhexdiina Ka dhaca See Xal ugu helaysaan Umad dhan Oo ay dad ku kala dhinteen Oo ilaa hada Dhaawacoodi si fiican aan loo dhayin Ee Uu waqtigu Daboolay una baahan ineey Kasoo kabtaan wixii dhib dhacay Si umadaha Caalamka ay ula tartamaan.

Xaqiiqdu waxay tahay Hadii Mdaxdu Wax dhexdooda ama hakala Tagaan ama hawada Joogaane ay si Hufan iyo is afgarad Ku dhamayn waayaan waxa meesha ka bixi doonta in ay shacabka Soomaaliyeed ay Dib uhishiis Turxan bixin iyo Kalsooni Ka dhex abuuraan waxaan Ognahay Gobalada waqooyi ineey Shacabka ku dhaqan ay ilaa hada qaarkood maqan yihiin waxayna Rabaa Xal iyo Xaajo in lagusoo Celiyo taa inta aan lagaarin Madaxda Sharafta leh waxaa ka codsanaynaa In tan dhexdooda Marwalba Xal Loo helo gudi Loo Sameeyo cidii Khaldana runta Loo sheego markaas hadii Qofkaa Uu yahay mid aanan Umada Soomaaliyeed Ushaqayn Karin wixii Uu khalad galay inta miiska lasoo saaro Markaa sidii Kursiga Looga banayn lahaa In lawaa’jaho.

Waxaan Ku Celinayaa inaan anagoo kamadax banaan labada Garab Ee is’haya aan diyaar unahay ka qayb qaadashada Sidii Xal Loogu heli lahaa Xaalada Cakiran waa hadii aan nalaku Gacan sayrin,

BAAQ SHACAB 

Shacabkayga Sharafta leh laba kala daaya adinkoo arinta haatan Taagan Xalkeeda Qayb ka qaadan Kara inaad intaad ku Dhex milantaan aad dhinac ama labada dhinac lasafataan iyo INaad hadhoow Ka qaylisaan Dhibaatada Iyo Cawaaqib Xumada arintaas kadhalata labadaasi Iskumeel Ma gashee kala daaya waayo Marka ay Ugu yartahay waxa Socda hadii Dadkeena Soomaaliyeed aynu dhamaysan wayno waxay Noqon doontaa inuu Shisheeye Fraha Nalasoo Galo waa marka ay ugu yartahay hadii kale dhib kawayn ayaa nasoo gaaraya Cadawgii awalba dalkeena Duulaanka ku ahaa ayaa jaanis inta uu ka helo ka faaidaysanaya isqab qabsiga madaxdeena ayagoo hawlahoodi boobka ahaa iska sii wadan Doona Dawlad nimadii iyo Rajadii Aan ku Naaloonaynay ayaa dhaawac inaga soo gaarayaa waxaasoo Dhami waa musiibo.

Shacabka waxaan markale Ugu baaqayaan inaan Xalka qayb kawada qaadano Inaad mudaharaadyo Abaabushaan Ood iskusoo baxdaan Inaad baaqyo iyo Fariimo Soo gaarsiisaan Madaxda In qofwalba Xildhibaanka uu yaqaano ama uu sxbka layahay usuu bandhigo kana Codsado in Dalkaan iyo Dadkaan Loo turo lana badbaadiyo waxaasoo Jaanisaad haystaan intaasoo Ficilana waad samayn kartaan sidoo kale ku Dadaala inaad Baaq dheer Soo gaarsiisaan Madaxdiina Qaasatan Madaxwaynaha si uu arinkaan xal ugu helo wayo isgaa ah masuulkii koowaad ee Dalkan Sidoo kale Culimada, iyo Aqoonyahanka, Soomaliyeed cuqaasha, iyo Dhamaan bulshada qaybaheeda aynu dhexda uxirano Xal uhelida Barnaamijkan. Inagu waynu Biloownay waana ka mira dhalinaynaa ilaa aan guul ka gaarno insha Allah Wabilhi tawfiiq.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON