Thursday, June 26, 2025

Xildhibaan Zakariye Maxamuud: “Heshiisyada DP WORLD ee Sekadaha Berbera & Boosaaso wax ka jira malahan…”

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa kulan Taariikhi ah ku tilmaamay shirkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee lagu ansixiyey xeerka: “Xeerka Dhowrida Gobanimadda Iyo Midnimada Gayiga Soomaaliyeed”.

Wuxuu sheegay in guud ahaanba dalka laga mamnuucay shirkada  DP World ee tuugeysiga ku waday dalka sida uu yiri, wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay barbar istaagaan Baarlamaanka oo ay taageeraan go’aankaasi.

“DP WORLD wixii ay gashay ee ay ugu yeertay heshiisyada dhamaantood wax ka jira malahan, ha ahaadaan kuwa Dakadda Berbera, amaba kuwa Boosaaso, Kaalinta Golayaasha labada aqal waxba ma tareyso haddii kaalinta shacabka Soomaaliyeed la waayo..” ayuu yiri xildhibaan Zakariye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON