Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha oo maanta ku shaqo bilaabeysa Xarunteeda cusub ee Magaalada Garowe [Sawirro]

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta dib uga bilaabeysa magaalada Garowe ee maamulka Puntland, kadib markii uu hakad ku jiray in mudo ah.

Hay’adda ayaa beenisay inay joojisay bixinta Baasaboorada ee Xafiiskeeda magaalada Garowe, iyadoo ay soo baxeen warar ku saabsan inuu khilaaf ka dhex taagan yahay shaqaalaha hay’adda iyo maamulka Puntland, taasoo keentay inay hakadaan arrimaha Baasaboorka.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa sheegay in Hay’adda oo markii hore deganeyd Guri Kiro ah , laakiin ay hadda xarun weyn ka dhisatay magaalada Garowe, halkaasi oo ay ka sii socon doonto howsha Shacabka ay u heyso Hay’adda.

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa ku wargelisay dadka ku xiran xarunta Garowe in adeegga bixinta Baasaboorka dib u bilaaban doono  maanta  oo ay tariikhdu tahay 13/03/2018.

Hay’adda ayaa waxa ay cadeysay in aysan matalin isla markaana wax mas’uuliyad ah u haynin dad shaley sheegtey magaca Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Image may contain: sky, cloud and outdoor

Image may contain: outdoorImage may contain: nightImage may contain: sky, cloud and outdoorNo automatic alt text available.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

111,633FansLike
613FollowersFollow
2,572FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

111,633FansLike
613FollowersFollow
20FollowersFollow
2,572FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!