Thursday, June 26, 2025

Xildhibaan Zakariye oo dhaliilay jawaabtii dowladda Somalia u dirtay Kenya. “Maxaan u baryootameynaa…?”

Xildhibaan Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi ayaa dhaliilay jawaabta ay dowladda Somalia ka bixisey tallaabadi ay Kenya dalkeeda uga saartay safiirkii Somalia iyo muranka ay ka keentay xuduudka Badda labada dal.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay dowladda ka sugayeen jawaab xoog leh oo ugu yaraan la mida wixii ay ku dhaqaaqday dowladda Kenya, iyo xadgudubka ay sameysay, laakiin warku dowladu u muuqday jawaab baryo ah oo aad u liidatay.

“Tallaabooyin ficil ah kama muuqdaan jawaabta dowladda, waxay aheyd tallaabooyinka ay qaaday Kenya oo kale inaan ku jawaabno, mar haddii Kenya weerar nagu tahay, waa in la difaaco dalka oo diblomaasiyad xoogan lagu difaaco, maxaa yeelay Kenya khalad weyn ayey sameysay, Baddeena ayay nagu qabsatay, waxaan anigu qabay in si adag in loogu jawaabo…”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye oo wareysi siiyey mid ka mida idaacadaha Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Zakariye ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay inay edab darro ah u soo eriday Safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi, taasina ay ahayd in jawaab la mid la siiyo, isagoo intaas ku daray: “Kenya si diblomaasiyad uma dhaqmin, markii ay safiirkeenii soo ceyrisay, waxaa yaab leh maxaan u bartooyameysaa….”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON