Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka sheegay ayaa kashifay sir badan oo ku saabsan xaaladda Baarlamaanka Federaalka iyo Musuqmaasuq uu sheegay inuu jiro.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Gudoonka Golah shacabka uu hor istaagay Mooshinkii ay 23 bishii September geeyeen qaar ka mida Xildhibaanada oo ku saabsanaa faragelinta dowladda Imaaraadku ku hayso arrimaha Soomaaliya.
Isagoo arrintaasi iyo halkii ay ku danbeysan ka hadlaya ayuu yiri: “23-kii September ayaan gudbinay Mooshin ka dhan ah faragalinta Imaaraadku ku hayo Soomaaliya ilaa hadda cid isku soo qaadaay xitaa ma jirto, Guddoomiyaha Baarlamaanka waan u tegay waxaan weydiiyay sababta looga doodi la’ yahay mooshinka oo ay saxiixeen tiro ka badan Xildhibaanadii laga rabay saxiixa, wuxuuna Gudoomiyuhu iigu jawaabay aan wadahadalno…”
Xildhibaan Zakariye wuxuu ax laga xumaado ku tilmaamay jawaabta Gudoomiye Jawaari, wuxuunma sheegay inuu musuqmaasuq cad ka jiro guddoonka: “Maxaa keenay wadahadal Mooshin ka doodis u baahan..? sow musuqmaasuq cad maaha…” ayuuna is weydiiayay.
“Baarlamaankii naga horeeyay ee 9-Sagaalaad iyagoo Lix bilood u hartayba ayaa fadhiid laga dhigay anaga sagaalbilood keliya joogna waxaana noqonay sidii rag madal doorasho sugaya. waxaad arkaysa kuwo ku dhahaya 90% maamulada ayaa dalka ka taliya oo madaxweyne Gobol oo soo degaya Garooonka uga hortegaya war awooodiina garta 275-ka xildhibaan ayaa dalka maamula Madaxwaynaha anagaa dooranay, ra’iisal Wasaaraha annagaa kalsooni siinay..” ayuu yiri Xildibaan Zakariye oo furka tuurtay oo khudbad ka jeediyay Baarlamaanka.
Qeylo dhaanta xildhibaanka ayaa muujineysa doorka Imaaraadka Carabta ku leeyahay siyaasadda Soomaaliya, iyadoo ay tahay markii labaad ee mooshin ka dhan ah luuq la geliyo.