Xilibaan Zakariye Xaaji Cabdi ayaa sheegay oo ka mida xildhibannada Baarlamaanka Federaalka ayaa dalbaday in loo soo celiyo sarkaalkii ONLF ee dowladda Soomaaliya u gudbiyay Itoobiya.
“Waxaan la rabaaarrintan siday aheyd in loo abaaro waxaana ugu mihiimsan inay sharci-darro ahaayeen wixii dhacay, sidaa darteed waxaa muhiim ah, waxaa la yiraahdaa caano daatay, dabadooda ayaa la qabtaa, talooyinka la soo jeediyay.” ayuu yiri xildhibaanka.
Wuxuu intaas ku daray “In marka ugu horeysa Baarlamaanka go’aanka lagu daro, in dowladda Itoobiya baarlamaanka warqad u diraan, lagu soo celinayo, Maadaama xaq-darro dhacda hala soo celiyo waa in la yiraahdaa ama ciddii bixisay oo xukuumadda aheyd tiraahdaa hala soo celiyo, haddii wax naga dhaxeeyaan, daris ayaanu nahay, Maadaama qalad dhacay, Hala soo celiyo, cid dambe oo Soomaali ah ama muslim ah in aan la dhiibin, cidii dhiibtaana ay dambiile tahay, taasina waa in ay noqotaa go’aan Baarlamaanka soo saaro.”
Waxaa muuqata in kiiska Qalbi dhagax uu jiitami doono kadib go’aankii Baarlamaanku u codeeyay ee ahaa in si sharci darro ah loogu dhiibay Itoobiya.