Xildhibaanada Beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa kulan ay shalay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay u gudbiyeen shax cusub oo ay sheegeen inay lagu qeybiyo guddiga Farsamada maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo muran ka taagan yahay kadib markii Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Odowaa uu magacaabay guddi ka kooban 14 xubnood.
Kulanka madaxweynaha iyo xildhibaanada labada beelood ayaa ku saabsanaa in laga noqdo Guddiga farsamada ee Wasiir Odowaa magacaabay, laguna bedelo guddi cusub, iyagoo beelaha Xawaadle iyo Abgaal ay soo jeediyeen inuu mid waliba ku yeesho guddiga farsamada min 6 xubnood, halka beelaha Gaaljacel iyo Gugundhabe ay u qoondeeyeen min 3 xubnood, beelaha kala ah H/Gidir, Ujeeheen iyo Jareer ayaa iyaguna loo qoondeeyay min 2 xubnood, beelaha kale ee yaryar loo qoondeeyay min xubin.
Shaxdan ayaa lagu wareejiyay madaxweynaha oo la gudoomay iyadoo la sheegay inuusan u balan qaadin in la qaadayo iyo in kale, waxaana sidoo kale uu xalay kulamo la yeeshay xildhibaano kale oo ka soo jeeda beelaha kale ee kasoo jeeda labada gobol oo ka horjeeda qorshaha ay wataan xildhibaanada labada beelood ee Xawaadle iyo Abgaal oo ah kuwa ugu tunka weyn labada gobol.
Goobjooge.com