Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaanada Beesha Sacad oo olole ugu jiray in H/Gidir kalsoonida kala noqoto Dowladda Farmaajo

Beesha Sacad ee H/Gidir ayaa isku khilaafsan go’aan ay kalsoonida ugala noqoneyso dowladda Farmaajo oo ay soo jeediyeen xildhibaanada labada Gole ee Beeshaasi.

Xildhibaanada labada Gole ee Beesha Sacad ayaa ku midoobey inay ka hortagaan dowladda Madaxweyne Farmaajo oo ay ku eedeyeen inay si gaara ula dagaalaeyso beeshooda.

Shirar ka socday Muqdisho ayaa xildhibaanada Beeshan oo ay wehliyeen siyaasiyiin iyo waxgarad waxay ku go’aansadeen in xiriirka loo jaro, kalsoonidan lagala noqdo dowladda Federaalka, iyadoo go’aankaasina la gaarsiinayo beesha H/Gidir.

Xildhibaannada hormuudka u ah beesha oo kal ah: Cabdi Xasan Cawale Qeydiid, Ubax Tahliil Warsame, Axmed Macalin Fiqi iyo C/kariin Khaliif Dhalac ayaa mucaaradnimo weyn kala kulmay odayaasha beeshooda oo si buuxda u taageeray dowladda Federaalka.

Kulamada oo loo bedelay beelweynta Habargidir ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyadoo aan la isku raacin in xiriirka loo jaro dowladda Federaalka, kadib cabasho ku saabsan qaabka awood qeybsiga dowladda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON