Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaanada Galmudug oo ka hor yimid Qorshihii Madaxweyne Xaaf [Isku dhicii ugu horeeyay]

Xildhibaanada maamulka Galmudug ayaa ka hor yimid qorshihii uu watay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Xaaf ayaa shalay hordhigay xildhibaanada arrin aan la filey, isagoo codsaday in loo ansixiyo Wasiiraddii hore ee uu magacaabay maxaweynihii C/kariim Xuseen Guuleed, taasoo ay ku kala qeybsameen Xildhibaanada Galmudug.

Inta badan xiildhibaanada ayaa diiday, kana hor yimid codsiga Xaaf iyagoo dalbaday inuu soo magacaabo Wasiiro cusub, lana yimaado isbedel.

Xildhibaanada Galmudug oo qaarkood saxaafada la hadlay ayaa ku doodaya In Galmudug ay ka sugeyso madaxweyne Xaaf inuu la yimaado isbedel iyo shaqo, isla markaana aan laga yeeli doonin in dib loogu laabto xaaladii laga soo gudbay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON