Friday, June 27, 2025

Xildhibaanada Galmudug oo Mooshin xil ka qaadis ah ka keenay C/kariin Guuleed & Xaalada Cadaaado

Kacdoon ay magaalada Cadaado ka wadaan xildhibaanada Galmudug ayaa xowli ku socda iyagoo ku dhegan madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed.

Kulan aan Caadi aheyn oo Xildhibaanada Galmudug qaarkood ku yeesheen Magaalada Cadaado ayaa la geeyay Mooshin xilka looga qaadayo madaxweyne C/kariin Guuleed.

Kulanka Baarlamaanka oo ka dhacay Magaalada Cadaado waxaa shir Guddoominaya Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, waxaana Ajendeyaasha lagu daray Mooshin Xilka qaadista Madaxweynaha, iyadoo horena u yaalay mooshin xil ka qaadis Guddoomiyaha Baarlamaanka.

46 Xildhibaan oo kala bar mid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa u ansixiyay in Mooshin Xilka qaadista Madaxweynaha Galmudug la keeno, iyadoo la sheegay inuu diiday Hal xidhibaan, mid kale uu ka aamusay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa joojiyay shaqada hay’adaha dowladda maamulkiisa, sidoo kale guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Casir ayaa iska fasax 45 casho ah u diray Baarlamaanka, taasoo aan shaqeynin.

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in xildhibaanada kacsan ee Galmudug ay heyso dhaqaalo darro weyn iyadoo tuhunsan in C/kariin Guuleed uu afka u dhigtay dhaqaale laga helay Imaaraadka Carabta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON