Dadaalkii ugu danbeeyay ee lagu doonayo in la isugu keeno xildhibaanada maamulka cusub ee Hirshabeelle ayaa ka socota magaalada Jowhar.
Waxaa la xareeyay goor dhoweyd xildhibaanada oo ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana la filayaa in Galabta ay yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo IGAD ayaa gacanta kula jira dhameystirka xildhibaanada oo qaar yar ah ka harsan yihiin, waxaase qorshuhu yahay inuu maanta guddoomiyo qofka ugu da’da weyn.
Xaflad lagu sagootiyay ergadii shirka Jowhar ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee magaalada Jowhar, waxayn hore wasaaradda arrimaha gudaha u sheegay in 15-ka bishan la dooran doono Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.
Goobjooge.com