Xildhibaanada taageersan madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee talo-soo jeedin lid ku ah mooshinkii madaxweynaha u gudbiyay guddoonka Baarlamaanka ayaa ka soo horjeestay go’aankii uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ee ku saabsanaa Mooshinka Madaxweynaha.
Xildhibaanadan oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha Baarlamaanka in halkii laga sugayay inuu sharci darro ka dhigo Mooshinka laga keenay madaxweynaha uu soo jeediyay wadahadal in la galo, waxayna ku eedeeyeen inuu dhex galay arrin ka baxsan shaqadiisa.
Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku baaqay wadahadal lala galo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda taasina ay tahay sharci darro oo aanay jirin wax ka dhaxeeya Baarlamaanka iyo xukuumadda, waxayna caddeysay inay diidan yihiin wadahadalka uu ku baaqay guddoomiyaha Baarlamaanka.
Xildhibaan Mustaf Mukhtaar Guudow ayaa isna sheegay in go’aanka guddoomiyaha Baarlamaanka kasoo baxay uu yahay mid dhibaato abuuraya oo xaaladda uga sii daraya, kana baxsan awoodiisa, isagoo ku eedeeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari inuu faraha la galay awoodo ka baxsan shaqadiisa oo ahayd inuu guddoomiyo Baarlamaanka, lana filayay inuu Baarlamaanka hor keeno mooshinada kala duwan ee iska horjeeda.
Labada dhinac ee xildhibaanada Baarlamaanka u kala qeybsan yihiin ayaa hadda u muuqda inay ka horjeedaan go’aanka guddoomiyaha Baarlamaanka ka gaaray mooshinkii Madaxweynaha, taasoo xaaladda uga sii dareysa.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]