Tuesday, July 15, 2025

XIldhibaanada tegay Cadaado oo Gacmo maran kula laabtay Magaalada Muqdisho [Dhageyso]

Xildhibaanadii labada Gole ee sheegay inay dhexdhexaadinta Madaxda Sare ee Galmudug u tageen magaalada Caado ayaa gacmo ku laabtay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadan oo uu hormuud u ahaa guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Maxamed Bukhaari, ayna ka mid ahaayeen Mahad Maxamed Salaad, Axmed Macalin Fiqi, Cabdi Qeybdiid iyo xubno kale waxay magaalada Muqdisho ka sheegeen inay isu soo dhoweeyeen madaxda sare ee Galmudug, balse markii danbe ay arrinta faraha ka baxday.

Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka cabanayaan  Waxgaradka iyo Madaxda Galmudug sida uu yiri, waxaana ay qireen in xaaladda Cadaado aysan waxba iska bedelin marka laga reebo ciidamo ay ka saareen magaalada.

DHAGEYSO ABSHIR BUKHAARI

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON