Iyadoo lagu dhex jiro laba toddobaad oo la doonayo in lagu soo doorto Guddoomiye cusub oo bedela guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya ee is casilay ayaa waxaa soo if baxaya loolan adag oo ka dhex bilowday xildhibaannadii waday Mooshinka Guddoomiye Jawaari.
Xildhibaannada kasoo jeeda beelaha Digil & Mirifle oo ahaa kuwa ugu badan ee wada mooshinka Jawaari, kuna beel ahaa guddoomiyaha is casilay ayaa qaar badan oo ka mida isu soo sharxay xilka, iyagoo ku kala qeybsamay, iskuna raaci waayay musharax qura.
Xubnaha ugu cadcad ee xilka guddoomiyaha Baarlamaanka isu soo taagay waxaa ka mida xildhibaannada kala ah:
= Maxamuud Macalin Yaxye
= Shariif Maxamed Cabdalla
= Ibraahim Yarow Maxamed
= Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen iyo xubno kale.
Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda dowladda Soomaaliya ay taageerayaan Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Mursal, kuna qalqaalinayaan inuu isu soo sharxo xilkaasi.