Monday, June 23, 2025

Xildhibaankii ugu horeeyay ee Beelaha Banaadiriga oo lagu doortay Magaalada Muqdisho

Doorashada  xildhibaanada Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

Kursigii ugu horeeyay oo ahaa kurisga Beesha Reer Fiqi ayaa la doortay, iyadoo uu ku guuleystay Khaalid Mocow C/qaadir.

Tartanka kursigan wuxuu shex maray Musharaxiinta kala ah:

  1. Khaalid Mocow C/qaadir
  2. Shariif Maxamed Siidii, (10 sano ka badan ku fadhiyay)
  3. C/qaadir Maxamed C/qaadir (Guddoomiyaha Degmada Shangaani oo tartanka ka baxay)

Doorashada oo ahayd mid adag waxaa 29 cod ku guuleystay Khaalid Mocow C/qaadir, halka Shariif Maxamed Siidii uu helay 21 cod, waxaana codeysay 50 ergo.

Beelaha Banaadiriga ayaa doorashadoodu ka dhaceysaa magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay maalmo kooban ku soo dhammaato.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON