Monday, June 23, 2025

Xildhibaannada Baarlamaanka oo kulan loogu yeeray Berri iyo Ajende cusub oo lagu soo kordhiyey

Guddoonka Baarlamaanka ayaa shir kale maalinta Berri ah ee Isniinta isugu yeeray xildhibaannada Golaha Shacabka, kadib markii uu fashilmay kulankii Sabtida.

Farriin loo diray xildhibaannada ayaa loogu sheegay inuu jiro kulankii Baarlamaanka, iyadoo qodob cusub lagu soo daray ajendihii Sabtida ee Covid-19 oo shaku badan abuuray, laguna eedeeyay guddoomiyaha Baarlmaanka Maxamed Mursal inuu qarsoodi u wato muddo kordhin.

“M.ne Xil Beri oo Isniin ah oo ay Tar 29 March, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka.Agendaha1. Caabuqa COVID192. u Codeyn 2 xubnood ee Guddiga M/Banaan ee XuduudahaSaacadu waa 09:00 subaxnimo..” ayaa lagu yiri farriinta loo diray xildhibaannada.

Ad

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu soo saaray qoraal shan kulan looga joojiyey inay ka qeyb galaan 15 xildhibaan oo mucaarad ah, laguna eedeeyay inay is hor taageen kulankii Sabtida.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON