Wednesday, July 9, 2025

Xog: Maxay ka tanaasuleen Siciid Deni iyo Axmed Madoobe..? (Horumarka laga gaaray shirarka socda)

Shirar u socda madaxweynayaasha shanta maamul Goboleed ayaa rajo laga muujiyey is-faham iyo tanaasul laga gaaray qaar kamida qodobadii hortaagnaa wadahadallada arrimaha Doorashada.

Waxaa weli socda shirarka ay Xalane ku yeelanayaan Madaxda Maamul Goboleedyada, waxayna xogta la helay sheegeysaa inuu jiro tanaasul iyo dadaallo socda si meesha looga saaro caqabadaha hortaagnaa qabashada shirka wadatashiga maamul Goboleedyada iyo Madaxda dowladda Federaalka.

Qodobadii la isku hayey

Shanta madaxweyne ee Mamaul Goboleed ayaa isla qaatay inaan shuruud lagu xirn shirka wadahashiga, iyadoo marka hore la xalinayo qodobadda la isku heystay kuwooda ugu muhiimsanaa:

1- Damaanadqaadka heshiiska Doorsahada iyo fulintiisa

2- Guddoominta Farmaajo ee shirka iyo in laga qoro qoraalka xaaladda kala guurka.

3- Ka qeyb galka shirka ee Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Musharixiinta.

Deni iyo Axmed Madoobe ma tanaasuleen..?

Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka tanaasulay shrdigii ahaa inay shirka wadatashiga ka qeyb galaan Musharixiinta iyo Cabdi Xaashi, balse marka hore la qanciyo Musharixiinta iyo Cabdi Xaashi, iyadoo arrintaas loo xil saaray Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Waxaa kaloo dib u dhigteen damaanad-qaadka fulinta heshiiska doorashada iyo inuu Farmaajo qoro qoraalka xaaladda kala guurka ee uu awooddiisa ku xadiddiayo, laakiin waxay ku dhegan yihiin inuusan guddoomin shirka iyo xal u helidda qodobadii hore u taagnaa ee arrinta Gedo iyo xildhibaannada Gobollada Waqooyi.

Kulamada kala gaarka ah

Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ayaa xalay kulan saacado qaatay la yeeshay xubnaha Midowga Musharixiinta ee Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Keyre , C/raxmaan C/shakuur iyo Daahir Maxamud Geelle, waxaana looga hadlay xal u helidda khilaafka Doorashada, iyadoo la sheegay in la qanciyey Musharixiinta.

Kulan kale ayaa lagu wadaa inay maanta madaxda Maamul Goboleedyada la yeeshaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, kaasoo ah kulan adag oo lagu doonayo in lagu qanaciyo Cabdi Xaashi oo hadda ah guddoonka Madasha Badbaado Qaran.

Kulamada qaar ayaa si beel ahaan u dhacaya, iyadoo lagula xisaabtamayo madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood, waxaana hadda muuqda in la isku waafaqay qabashada shirkii mudadda dheer hakadka ku jiray, basle ay harsan yihiin qodobo dhowr ah oo xalin u baahan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON