Saturday, May 11, 2024

Xildhibaannada laga joojiyey fadhiyada oo War cusub kasoo saaray kulanka Berri iyo Digniin ay direen…

Xildhibaannada laga joojiyey fadhiyada Baarlamaanka Federaalka ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo uga hadlay xaalada Baarlamaanka iyo go’aankooda.

Shirka jaraa’id waxaa ku sugnaa in ka badan 10 xildhibaan oo xalay kusoo baxay liiska xildhibaannada laga joojiyey kulamada Baarlamaanka, waxayna faahfaahin ka bixiyeen wixii shalay ka dhacay xarunta Baarlamaanka iyo sidii uu joogsaday kulankii la sheegay in looga hadlayo Covid-19.

Waxay sharci darro ku tilmaameen go’aanka Maxamed Mursal iyo inuusan wax awood ah u lahayn soo saarista go’aano noocaasi oo kale. iyagoo ku eedeeyay inuu ku xadgudbay xeer hoosaadka Baarlamaanka, isagoo baal maray qaabka ajenydayaasha loo diyaariyo.

Ad

Wxay xildhibaannadan caddeeyeen inay ka qeyb galayaan shirka Baarlamaanka ee Berri, wixii ka yimaada ciidamada la dhigay Baarlamaanka iyo haddii dhiigooda la daadiyo uu mas’uuliyadda qaadi doono Guddoomiye Maxamed Mursal.

Waxay xildhibaannada oo shirka jaraa’id ka hadlay caddeeyeen inay ka qeybgeli doonaan kulanka Berri, iyadoo Guddoomiye Mursal ku eedeeyay inuu wado qorshe muddo kordhin ah, baarlamaankuna afduubtay, kana hortegayaan wax kasta oo ay awood leeyihiin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON