Tuesday, July 1, 2025

Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka oo Muddo kadib shir loogu yeeray Maanta iyo Ajendayaasha hor yaalla

Xildhibaanada Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shir loogu yeeray maanta, kadib muddo uu howlgab ahaa xilli muddo xilkeedkiisa ay ka harsan tahay laba toddobaad.

Xogheynta Baarlamaanka ayaa fariin ay u dirtay xildhibaanada ugu sheegtay in kulanka maanta ay hor yaallaan ajendeyaasha oo kala ah.

1 – Akhrinta  koowaad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2021-ka.

2 –Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga.

Xildhibaanada oo laga dablado inay xaruntooda xaadiraan 9:00 am Subaxnimo ayey caado u tahay inuu shirkoodu furmo Duhurta, taasoo ay ugu wacan tahay in cagajiidka xildhibanaada iyo raadinta kooramka.

Dowladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo ayaa intii ay talada heysay Baarlamaanka geysay laba xisaabxir oo ah sanadkii ugu horeeyay 2017 iyo sanadkii ku xigay 2018, iyadoo ay ku maqan yihiin xisaabxirka 2019 iyo sanadka dhammaanaya ee 2020, waxayna hadda Golaha geysay Misaaniyadda 2021.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON