Dadaal loogu jiray in xal looga gaaro muran ka taagan magacaabidda Golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa lagu kala tegay kadib kulankii ugu danbeeyay ee xalay ka dhacay Jowhar.
Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in kulan uu Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare la yeeshay xildhibaannada Maamulkaas oo ka mid ahaa shirar xiriir ah oo ku saabsan qaabka magacaabidda Golaha Waisiarada lagu kala tegay iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin.
Madaxweyne Waare ayaa doonaya inuu wasiirada cusub intooda badan ka keeno dibadda una magacaabo xubno aan ahayn xildhibaannada Hirshabeelle, taasoo ay si weyn uga hor yimaadeen xildhibaannada oo qaarkood balanqaadyo jagooyin wasiir xilligii ololah doorashada, waxaa kaloo la isku heystaa in la yareeyo tirada golaha wasiirada.
Liis uu diyaarsaday Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu diiday, waxayna xildhibaannada qaarkood ku hanjabeen inaysan ansixin doonin golaha wasiirada ee uu doonayo inuu Mudane Waare magacaabo.