Thursday, June 26, 2025

Xildhibaannada labada Aqal ee Galmudug oo Cadaado ku sii jeeda & Xaalad soo wajahday Xukuumadda Somalia

Xildhibaannada ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, kana soo jeeda Galmudug ayaa maanta tegaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug.

Xildhibannada oo ka badan 10 ayaa waxaa ka mida xubno si weyn looga yaqaan degaanadaasi, waxaana ujeedkoodu yahay inay xal u raadiyaan xiisadda siyaasadeed ee cirka isku shareertay maamulka Galmudug.

Xildhibaanada dadaalkan hoggaaminaya ayaa u badan kuwa taageersan madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), iyadoo laga cabsi qabo inaysan ku guuleysan xaaladda ka taagan magaalada Cadaado.

Dhinaca kale fadeexad ayaa ka taagan war-saxaafadeed kasoo baxay Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya oo ay faafisay wasaaradda Warfaafinta, kaasoo lagu taageeray xil ka qaadis ay qaar ka mida xildhibananada Galmudug xalay ku sameeyeen madaxweynaha Galmudug.

Mowqifka xukuumadda ayaa la sheegay inaysan waafaqsaneyn wasiirada isla markaana uu uga sii daray khilaafkii ka taagnaa madaxda Galmudug, waxaana xildhibaanada laba aqal ee kasoo jeeda Galmudug ayaa ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya inay wado qorshe ay ku burburineyso maamulka Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON