Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa wadajir u ansixiyey Habraaca Doorashada Guddoonka labad Aqal ee iyo Madaxweynaha oo wax laga bedelay.
Kulanka maanta ee wadajirka ahaa waxaa laga jeediyey Habraaca wax laga bedelay, waxaana u codeeyay inta badan xildhibaannadii kulanka ku sugnaa, iyadoo natiijadu noqotay:
190 xildhibaan oo ogolaatay Wax ka bedelka Habraaca Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha
1 Xildhibaan oo diiday
6 xildhibaan oo ka aamustay
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inay ansax tahay codeynta wax ka bedelka lagu sameeyay habraaca.

Waxaa sidaasi ku fashilmay qorshihii ay wateen xildhibaannada taageersan kooxda Farmaajo iyo Fahad oo dadaal xoog leh ugu jiray in dib loo dhigo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka. (Halkan ka Akhriso)