Xildhibaanada taageersan Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa mar kale beeniyay warar si weyn u qabsaday baraah bulshada saacadihii ugu danbeeyay lagu sheegay in Guddoomiyaha is casilayo.
Xildhibaanno fara badan oo ka mida garabka Jawaari ayaa farriimo ay soo qoreen ku sheegay inay u tageen guddoomiyaha, isla markaana uu xaqiijiyey inaysan jirin warark sheegaya inuu is casilayo oo kaliya si sharci ah ku baxayo.
Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali iyo Daahir Cabdi C/llaahi (Dr. Goo) ayaa siyaabo kala duwan u beeniyay wararka Baraha Bulshada wareegaya, iyagoo sheegay in guddoomiye ku taagan yahay go’aankiisii hore.
Dhinaca kale Xildhibaan Caasha Koos iyo Xildhibaan Ilyaas Hassan oo ka mida xildhibannada had iyo jeer la jooga Gudoomiye Jawaari ayaa iyaguna faafiyey qoraallo ay ku beeniyayaan wararka la xiriria inuu Gudoomiyaha Golaha Shacabka is casilayo.
Jawaari ayaa la ogayahay inuu heshisi hoose iyo balanqaad tanaasul ah uga baxay madaxweyne Farmaajo isagoo u sheegay in balanqaadkiisii hore aanu fulin karin.